Dawladda Panama calaaqaad Cusub  Oo  diblamaasiyadeed  La Yeelatay Dalka Shiinaha.
June 13, 2017 - Written by

Dawladda Panama ayaa jartay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay wakhtiga dheer la lahayd Taiwan, taas baddalkeedana waxay xiriir cusub la billawday dalka Shiinaha.

Dawladdu waxay sheegtay in ay aqoonsatay “in Shiinuhu uu hal dal yahay” ayna Taiwan u aragto qayb ka mid ah.

Taiwan ayaa muujisay in ay arrintaas “ka xanaaqday kana xuntahay” waxayna dalka Panama ku eedaysay in uu u “cagojuglaynayo”.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol dalkeeda ka mid ah dalal badan ayaana calaaqaad la leh Taiwan badalkii Shiinaha, Panama ayaase ah dalkii u dambeeyay ee arrintaas badala.

Dalka Sao Tome and Principe ee qaaradda Afrika ku yaalla ayaa bishii Desembar ee sannadkii hore qaatay go’aan kan la mid ah.

Bishii lixaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii hogaamiyaha Taiwan Tsai Ing-wen ay booqashadeedii koobaad ee dibadda ah ay ku tagtay dalka Panama.

Tsai oo dhanka bidix xigta ayaa sannadkii hore la kulantay madaxweynaha Panama Juan Carlos oo dhanka midig xigaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES
Image captionTsai oo dhanka bidix xigta ayaa sannadkii hore la kulantay madaxweynaha Panama Juan Carlos oo dhanka midig xiga

Hadda 20 dal oo kali ah ayaa calaaqaad dublamaasiyadeed la leh Taiwan.

Shiinaha ayaa sannadihii u dambeeyay aad u kordhiyay maalgashiga uu ku samaysanayo dalka Panama oo ku yaalla qaaradda Ameerika lehna gacanka Panama.

ku dhawaaqitaanka Panama ka dib warbaahinta dawladda Shiinaha ayaa shaacisay sawirrada labada wasiir arrimo dibadeed oo heshiis dublamaasiyadeed ku sixiixanaya magaalada Beijing.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS