Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo mudada u kordhiyay UNSOM
June 16, 2017 - Written by

Kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu oggolaaday in mudada ay ka shaqeynayaan dalka Soomaaliya Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya “UNSOM” illaa laga gaaro March 2018.

Qaraarka mudada loogu kordhiyay UNSOM ee ah 2358 (2017) ayuu Goluhu si weyn isugu raacay isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada UNSOM ee dalka Soomaaliya ee ah ka taageeridadhinaca horusocodka siyaasada.

Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay sida ay dowlada federalka ugaga go’an tahay in la hirgeliyo waajibaadka qaran sida in si deg-deg ah awoodaha dowlada loo qeybiyay,qeybsiga qeyraadka iyo maaliyada ee dowlad goboleedyada iyo horumarinta hanaanka siyaasada iyo qaabka cadaalada.

Hase yeeshee Golaha ammaanka ayaa cambaareeyay carruurta oo dagaalada ka qeybqaata dalka Soomaaliya waxana uu ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay dhaqangeliso Heshiiska Caalamiga ah ee Dhowrista Carruurta.

Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) waxaa la asaasay bishii June 3-dii ee sannadkii 2013-kii, kadib, markii uu Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon talo ahaan u soo jeediyey arrintaasi bishii May ee isla sannadkii 2013-kii

COMMENTS