Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga U  Taxaabay Qar ka Tirsan  Gacansatada Magalada Hargeisa.
June 18, 2017 - Written by

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shalay Xabsiga U Taxaabay  Qar ka Tirsan Ganacsatada bacadlaha  Waheen Ee magaalada Hargeysa,Kadib Markii ganacsatadan lagu eedaynaayo inay dalka keenen kabaha caruurta oo ay hoosta kaga qorontihiin magaca Alleh SWT .

Ganacsatadan oo la sheegay inay kabahan ugu tallo galeen un ay ibiyaan maalmahan ciidda ee Fooda inagu soo haysa,  si ay caruurtu ugu ciidan ayaa waxaa lagu soo qabtey dabagal la sheegay in ay sameyeen ciidamada Booliska Somaliland  gaar ahaan qeybta wardoonka , Wararka ayaa  sheegay in baadhistanka  kiiskan loo gacan galiyey haay’adda Danbi baadhista ee C.I.D

 

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Oo ay  isku dayeen qar ka mid ah Warbaahinta Madaxa Banaan inay  arintan wax ka weydiiyaan  ayaaney u suurto galin , Kabahan ayaan ahayn kuwii ugu horeyey ee sidan oo kale magaalada Hargeysa loogu qabtay Kabo xaga hoose lagaga qoray magaca Nebi Maxamed CSW

shirkadaha sameeya kabaha ayaa u soo qariya ganacsatada iyaga oo ujeedooyin ka leh meela ka mid ah dalalka muslimka ah lagu arko kabo nooca ah

Sources;Geeska Africa

COMMENTS