Xukumada Soomaaliya Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab.
June 19, 2017 - Written by

Xukumada Soomaaliya ayaa  maanta Sheegtay inay Gacanta ku soo Dhigeen  ciidamada amniga howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Magalada  Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Ururka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqiinay (Ciise Tarabuun).

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale  ayuu ku sheegay inay Sarkaal ka Tirsan Ururuka Al-Shabaab Gacanta ku Soo Dhigeen.

“Waxaa maanta qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga Soomaaliya  ayaa sheegay in howlgalka maanta uu qeyb ka yahay howlgallo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay socday Qaybo Ka Mid ah Magalada Muqdisho oo lagu xasilinayo amniga caasimadda.

COMMENTS