Maamulka Puntland oo sheegtay inay bur burisay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Buuraha Calmadow
June 20, 2017 - Written by

Puntland ayaa sheegtay inay bur burisay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Buuraha Calmadow, iyadoo uu wali uu socdo howl gallo ciidanka Puntland ka wadaan deegaanada Buuraha Galgala.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay wali ku guda jiraan howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna ku dileen dagaalamayaal.

Illaa iyo hada faah faahin badan lagama haayo howl galada socda, maadaama halka lagu dagaalamayo ay yihiin goobo isgaarsiintooda ay adag tahay.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay saxaafada u soo bandhigi doonaan howl galada ay wadaan iyo guulaha laga gaaray.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish oo looga sifeynayo dhulka buuraleyda ah ee ay inta badan weerarada ka soo qaadaan.

Al-Shabaab ayaa 8-dii bishan June weerar khasaare lixaad leh geystay ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur, waxaa halkaas ay ku dileen in ka badan 50 askari.

COMMENTS