|
Maxkamada Sare Ee Dastuurka Dalka Masar Oo Diiday Heshiis Dhex Maray Dawladaha Masar Iyo Sucuudiga
June 22, 2017 - Written by
Maxkamada sare ee dastuurka ee dalka Masar ayaa soo saartay amar ay ku joojinayso xukuno laga soo saaray heshiiska xadaynta bada ee dalalka Sucuudiga iyo Masar.
Madaxa maxkamada sare ee dastuurka dalka Masar Garyaqaan Cabdiwahaab Cabdirisaaq Ayaa soo saaray amar ku meel gaadh oo uu ku joojinayo fulinta xukunka maxkamada maamulku ay ku fulisay heshhiiska ku saabsan jasiiradaha oo ay hore u gaadheen xukuumadaha Masar Iyo Sucuudiga. Sidoo kale Garyaqaan Cabdiwahaab ayaa sheegay in maxkamada dastuurku joojisay xukun kale oo ay hore u soo saartay maxkamada arimaha deg dega ah kaas oo ku saabsan sax ahaanshaha heshiiska xuduuda dhinaca bada ee u dhaxeeya dalalka Sucuudiga Iyo Masar.Xukunka maxkamada dastuurka ayaa soo baxay ka dib markii golaha maxkamadu soo saaray warbixin cadaynaysay in dacwado laga keenay heshiiska labada jasiiradood iyo waliba xukunada ka soo baxay labada maxkamadood, War ka soo baxay maxkamada sare ee dastuurka ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay arintani u taalo maxkamada sare ee dastuurka si ay u qiimayso talaabooyinka loo maray heshiiskaas iyo sida uu u waafaqsan yahay dastuurka dalka. Waxa kale oo warkan lagu sheegay in xukunada iska hor imanaya iska hor imanaya ee ka soo baxay labada maxkamadood ay yihiin dhinac marsan hawlaha loo igmaday waana arin uu mamnuucayo dastuurka dalka.” Maalmo ka hor ayey ahayd markii hay’addo ka madax banaan maxkamadaha dalka Masar ay ka codsadeen maxkamada sare ee dastuurka inay kala saarto xukunada is burinaya ee laga soo saaray heshiiska dhinaca bada ee ay kala saxeexdeen xukuumadaha Qaahira iyo Riyaad. Qaraarka maxkamada ayaa soo baxaya todobaad ka dib markii baarlamaanka dalka Masar uu ansixiyey heshiiskaas, inkasta oo heshiiskaas fulintiisa ay ku xidhan tahay sida uu u ansixiyo madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax al Sisi. Asxaab dhawr ah iyo ururo siyaasadeed ayaa ku baaqay dibad baxyo ka dhan ah heshiiska dhigaya in jasiiradaha bada lagu wareejiyo dalka Sucuudiga.
Source:-VOA
COMMENTS
|
|
||