Weeraro Aargoosi ah iyo Dhimasho La xidhiidha Dhul oo Ceerigaabo ka dhacday
June 26, 2017 - Written by

Wararka aanu ka helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in shaqaaqo dhul oo sababtay geerida hal ruux oo lagu magcaabi jiray Xasan Adan Axmed ay ka dhacday caawa fiidkii magaalada Ceerigaabo. Sida aanu ka helayno ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in shaqaaqadan ay salka ku hayso muran dhul ku yaala magaalada Ceerigaabo kaas oo u dhexeeya qoyska marxuumka iyo qoys kale oo kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee degta magaalada, murankaas oo ugu danbayn isu bedelay iska horimaadka shaqaaqada dhaliyay.

Wararku waxay intaas ku dareen in dad ka tirsan qoyska ninka la dilay ay weerar aargoosi ah ku qaadeen guriga qoyska khilaafka dhulku ka dhexeeyey halkaasna burbur gaadhsiiyeen guriga iyo hantidii taalay sidoo kalena ay dhaawacyo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah qoyska gurigaas deganaa.

Dhanka kalena ciidanka booliska oo aanu isku daynay inay xog naga siiyaan arrintan ayaanay noo suurto gelin. Khilaafka dhulka ayaa ah mid sababa dhibaato naf iyo maalba leh iyada oo farta lagu fiiqo in nidaamka caddaalada iyo garsoorka aanu ahayn mid si adag uga hortaga ama xaliya dhibaatooyinka ka dhasha muranka lahaanshiyaha dhulka iyo musuqmaasuq ka jira hayโ€™adaha u xilsaaran arrimaha dhulka. Arrintaas oo dhibaato weyn ku haysa dadka laga tirada badan yahay oo faquuq iyo dhibaato kala kulma qabiilada waaweyn.

COMMENTS