Maxkamadda sare ee Mareykanka oo qeyb ka mid ah ogolaaday xayiraadii Safarada
June 27, 2017 - Written by

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa fasaxday in la dhaqan geliyo qeyb ka mid ah amarkii uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka ee ahaa xayiraada dhinaca socdaalka ee la saaray illaa lix wadan oo Muslimiin ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib u eegeyso goโ€™aanka, illaa ay ka soo saarayaan sharci kama dambeys ah bisha October ee soo socota.

Amarkan ayaa ka mamnuucaya lix dal oo Muslimiin ay ku jirto Soomaaliya inay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah.

Sidoo kale waxaa uu si KMG ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaada qaxootiga iyo qoysaska loo dacwoodo ee la geeyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhoweeyay tallaabada Maxkamadda, isagoo sheegay inuu yahay guul, waxaa uu ku dooday in xayiraada safarada ay ka difaaci doonto Mareykanka khatarta uga imaaneysa dalalka.

COMMENTS