Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Dhalinyaro laga shakiyay ka reebay Diyaarad usoo socotay Muqdisho
July 2, 2017 - Written by

Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa Diyaarad usocotay Magaalada Muqdisho kala haray 5 dhalinyaro Soomaali ah oo qurbaha ka yimid.

Diyaaradan oo ka soo kacaysay Magaalada Nairobi ayay ciidanka amaanku dhalinyarada kula hadheen Garoonka diyaaradaha halkaas oo la sheegay in suโ€™aalo lagu waydiinayay.Dhalinyaradan laga shakiyay ayaa qaarkood ka yimaadeen wadamada yurub.

Sida ay baahisay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, dhalinyaradaan ayaa haatan lagu hayo Magaalada Nairobi

Diyaarada ayaa waxa la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Me. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qayb Diid).

COMMENTS