Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo xalay ka bad baaday qarax miino
July 5, 2017 - Written by

Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo bishii April shaqada laga joojiyay ayaa xalay ka bad baaday qarax miino lala eegtay, iyadoo dhaawac fudud ka soo gaaray.

C/risaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa gaari uu la socday waxaa xalay fiidkii qarax miino lagula eegtay degmada Hodan, gaar ahaan xaafada Taleex

Wararka ayaa sheegaya in dhaawac fudud oo qeybaha sare jirkiisa ah uu soo gaaray, iyadoo xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay darawalka waday gaariga uu la socday Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta.

Qaraxyada miinada ee la dhigo wadada ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku soo kordhayay degmada Hodan, waxaana dhowr jeer oo hore ka bad baaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Sources;jowhar

COMMENTS