shan dhalinyaro oo isku qoys ah oo lagu dilay duleedka Magalada  Muqdisho
July 8, 2017 - Written by

Wararka ka imaanaya deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen illaa shan ruux oo ahaa dhalinyaro isku qoys ahaa.

Dhalinyaradan ayaa la socday gaari yar, waxayna ka soo laabteen Meyd ay ku soo aasayeen duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya gaari ay wateen kooxo hubeysan ay ku hor-gooyeen gaarigii ay la socdeen dhalinyaradan, kadibna ay rasaas ku harqiyeen.

Dhalinyarada la laayay ayaa afar ka mid ah isku qoys ahaa, waxaana la sheegay inay ka soo jeedaan qoyska reer Xaaji Gaabow oo ah Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho

Magacyada dhalinyarada la laayay, waxaana ay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Caadi Xaaji Gaabow iyo Cabdi Jibaar Xaaji Gaabow iyo ruux kale oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Yare.

Lama oga illaa iyo hada sababta loo dilay iyo kooxda ka dambeysa, hase ahaatee waxay arrintan xaalad naxdin leh ku abuurtay qoyska ay ka baxeen.

Sources;Jowhar

COMMENTS