Sarkaal ka tirsan Ciidamada Canshuuraha Soomaaliya oo lagu dilay Magalada Muqdisho.
July 10, 2017 - Written by

Kooxo Hubeysan oo mooto saarnaa ayaa saaka degmada Hodan ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Canshuuraha Munishiibiyada ee dowladda Hoose oo l, iyadoo dilkii labaad oo 24-saac gudahood loogu geysto magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Maxamed C/llaahi Tima Jilic, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay ku baxsadeen mooto.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableyda dilka geystay ay sidoo kale qaateen qori uu ku hubeysnaa ninkaas.

Sidoo kale shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wardhiigley Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Siciid Kaarshe.

Todobaadkan gudihiis ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda lagu dilay illaa tobaneeyo ruux oo siyaabo kala duwan loo dilay, dadka todobaadkan la dilay waxaa ku jira lix ruux oo ah qoyska reer Xaaji Gabaow, kuwaasoo gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay duleedka Muqdisho

Sources;Jowhar

COMMENTS