Xukumada Soomaaliya Oo La Wareegtay Maxaabiis Laga Soo Daayey Xabsiyada Dalka Ethiopia.
July 23, 2017 - Written by

Inkabadan boqol maxaabiis Soomaali ah kuna xirnaa xabsiyo ku yaal dalka Ethiopia ayaa fiidnimadii caawa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta maxaabiis Soomaaliyeedย  oo dhawaan Dowladda Itoobiya ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya .

Maxaabiistaan ayaa sii deyntooda waxaa ka heshiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia iyadoo ay jiraan weli heshiisyo kale oo ay labada dal kala saxiixdeen.

Soomaali badan ayaa sii marta dalka Ethiopia iyagoo doonaya in ay ugaga sii tahriibaan wadamo kale hase yeeshee dowlada Ethiopia ayaa xabsiyada dhigta tahriibayaashan oo badankood ah dhalinyaro.

COMMENTS