Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay inay dib u furayaan xuduuda U Dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
July 23, 2017 - Written by

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay inay qorsheynayaan in dhowaan furaan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Uhuru Kenyatta oo boqolaal shacab ah kula hadlayay magaalada Mandhera ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo sheegaan Al-Shabaabka amni darada geysanaya, si loo helo nabad iyo xasilooni.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in furitaanka xadka Mandhera uu muhiim u yahay ganacsiga labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

โ€œXadka oo inta badan xiran haddii si caadi ah loo furo waxa uu sare u qaadi doonaan dhaqaalaha Labada dal, shacabkiina waa inaad soo sheegtaa in cid walbo oo Al-shabaab ah misane kasoo gudbeysa halkaasiโ€ ayuu yiri Kenyatta.

Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay iney xirtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la leedahay Soomaaliya, kaddib markii dalkaas ay gudaha u galeen dagaalyahannada Al-Shabaab, amnigoodiina faraha uu ka baxay.

Sources;Jowhar

COMMENTS