KALA QAADISTA LABADA DOORASHO WAA SAX MARKA LA EEGO SABABAHA HOOS KU QORAN AAWADOOD.
September 10, 2016 - Written by
 eeee

KALA QAADISTA LABADA DOORASHO WAA SAX MARKA LA EEGO SABABAHA HOOS KU QORAN AAWADOOD.

WQ:MAXAMED DAHIR AXMED

Nidaamka dimaquraadigu waxa  uu noqon karaa mid baarlamaani ah (Parliamentary system) amba mid madaxtooyo (Presidential system).Somaliland ahaan,nidaamkeenu waa ka danbe oo ah nidaam madaxtooyo,oo madaxwaynaha ay toos u soo doorteen bulshadu si aan muhmal,madmadow,iyo isku khaldan ku jirin.Sidaa daraadeed in labada doorasho mar la wada qabtaa waxa ay ka dhigan tahay labadii nidaam oo la isku qasay .

Dhinaca kale,Bulshadeena inta waxa qorta  waxna  akhrida (Literacy rate) aad bay u hoosaysaa,sida lagu sheegay CIA factbook  51% dadka qaangaadhka ah ee Somalia iyo Somaliland waxna ma akhriyaan waxna ma qoraan,sidaa daraadeed ma kala saari karaan liis dheer iyo liisas ay ku wada qoran yihiin murashixiinta baarlamaanka iyo kuwa madaxtooyadu.Mar wada qabashada doorashada waxa ay keenaysaa in dadka caynkan ah xuquuqdooda la duudsiyo,iyagoo waliba ah inta ugu badan bulshadeena ah yihiin .

Sidoo kale,marka la yidhaa mar doorasho ha wada galaan 246 oo u sharaxan baarlamaanka (3*82=246) iyo saddex murashax oo u sharaxan  madaxtooyadu,waxa ay ka dhigaysaa tirada sharaxan 246+3=249 murashaxa,oo ay 98.8% baarlamaanka u sharaxan yihiin,halka 1.2% ay madaxtooyada u sharaxan yihiin. Waxa cad in doorashaduba isku badalayso doorasho baarlamaan oo murashixiinta madaxtooyadu oo ah 1.2%  ay ku dhex milmayaan ayna shiiqinayaan tirada faraha badan ee u sharaxan baarlamaanka.Tani waxa ay bulshada ka qarinaysaa kana mashquulinaysaa in ay si xeeldheer u darsaan saddexda nin ee u sharaxan madaxwaynanimada,waana hab lagu duudsiyayo xuquuqda muwaadin ee ah in uu si xor ah oo xalaal ah wax u doorto. In uu si xalaal ah wax u doorto muwaadinku waxa ka mid ah in uu si aan muhmal ku jirin u doorto ka uu isleeyahay waad ku aamini karta masiirka dalkaaga. Wakhtiga kala saarista murashixiinta baarlamaanku waxa ay sababaysaa in la iska ilaabo cida u sharaxan kursiga madaxwaynaha.

Marka laga eego maamulista,kala saarista,iyo waliba dhagaysiga cabashooyinka kuwa dhaca,waxa iswaydiin mudan,komiishanka doorashooyinku awood iyo khibrad ma u leeyahay in uu maamulo,kala saaro,iyo waliba dhagaysto cabashooyinka kuwa ku hadha doorashada,waayo waxa dhici doona hadii labada doorasho la israaciyo,164 oo u sharaxan baarlamaanka iyo laba murashax oo u sharaxan madaxtooyada.Tani culays amni ayay dalka ku keeni kartaa,hadii kuwa ka dhacay baarlamaanka iyo kuwa ka dhacay madaxtooyadu ay cabashadooda mideeyaan,qaylana isla oogsato gobalada iyo dagmooyinka dalka,buuqaa iyo sawaxankaa dal ahaan iyo komiishan ahaan ma qaadi karnaa?. Somaliland hantida ugu wayn ee haystaa waa amniga,wax kastoo wax yeelayana waa in ay ka gaashaamataa.

Waxa iyana muhiimadeeda leh in la tixgaliyo cabashooyinka ay ka qabaan gobalada darafyada Somaliland arrimaha saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada,oo aanay arrinta doorashadu noqon sheeko ku kooban gobalada dhexe ee Somaliland,balse laga dhigo wax la wada leeyahay taladeeda.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa,dal ahaan,,bulsho ahaan,iyo farsamo ahaan ma qaadi karo in aynu mar wada galo labada doorasho marka la eego sababaha kor ku xusan aawadood.

WQ:MAXAMED DAHIR AXMED

HARGEISA,SOMALILAND

COMMENTS