Af Keena Soomaaliga Dhibaataday Warbaahintu U Gaysato.
September 10, 2016 - Written by

Maanta warbaahintu guud ahaan waxay noqotay qayb aad iyo aad u laxaad leh, oo nolol maal- meedkeena ka mida, oo xataa marka war dhacay

Waa maxay warbaahintu? Imisa nooc ayeyna u kala baxdaa?

Warbaahintu  waa habka  bulshadda loogu gudbiyo dhacdooyin dhacay sida; warar, madada- alo, khudbado, xog ama fikiro, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo qalabka warbaahinta ee kala duwan. Warbaahintu waa laba nooc ee hoos qoran, marka aan ka eegno dhinaca agabka ay adeegsadan.

B) Warbaahinta Danabeysan (Elektrooniga): Raadiyaha, Muuqbaahiyaha (telefishanka), Maree-gaha (websiteyada).T) Warbaahinta Daabacan: Wargesyada iyo Farshaxanka sawirada.

Maanta warbaahintu guud ahaan waxay noqotay qayb aad iyo aad u laxaad leh, oo nolol maal- meedkeena ka mida, oo xataa marka war dhacay dadka aad u sheegayso aad tidhaa Warbaah- in heblaayo ayaa
ka maqlay dabadeedna dadka intooda badani sidaa kaga wada rumaystaan. Warbaahintu inay raad intaa leeg inagu yeelato waxa u soboba, ee ugu waaweyni waa;            

1. iyagoo shaqeeya saacado fara badan maalintii iyo habeenkii. 2.iyagoo noocyo kala duwan ah sida Wargays, Raadiye iwm, oo qof waliba helayo ta uu xiiseeyo.3.Iyagoo soo daaya barnaami- shyo kala duwan sida warar, ciyaaro iwm, oo aan odhan karno warbaahintu inta badan bulshda ayey ula shaqeysaa kolba siday rabaan, ilayn kolba sidii loo jabaa loo dhutiyaaye. 4. Iyagoo inta badan soo daaya barnaamishyo cusub, oo ah kuwii ugu danbeeyey ee dunida ka dhacay, ilayn wixii cusub caalamka jecele. 5. Iyagoo isku xidhiidhiya dawlada iyo bulshada ama isla bulshada dhexdeeda, si ay ugu kala qaadaan wixii war iyo wacaal ah.

Hadaba waxa kale oo jira in barnaamishyadaa kala duwan ay Warbaahintu inoogu soo daayaan ama tebiyaan Af keena Soomaaliga ah, oo lagu dhex daray erayo Afaf qalaada. Iyaga oo ereya- daa u adeegsada habkan;1.Eray Af Soomaali ah. 2.Eray Af kale ka yimid, oo Af keena Soomaa- liga ka mid noqday. Oo mid u dhigmana aan laga helayn Af keena, sida Kursi, Qalin, warqad. 3.Eray Af kale ah oo mid u dhigmana Af keena Somaaliga laga helayo, laakiin bulshadeena si aada agtooda caan uga  noqday. Sida Macalin oo u dhigma Bare oo Af Soomaali ah. 4.Eray Af kale ah mid u dhigmana Af keena laga helayo, aan caana ka dhex noqon bulshadeena, laakiin

kaliya caan ka ah bahda wax baratay agtooda.

Warbaahintu kala wacan oo kala wanaagsan oo hadana kala adeegsan og hababkaa afarta ah. Mareegaha iyo wargaysyadu waxay adeegsadaan labada hab ee hore. Marmar iyo dhif ayey adeegsadaan habka saddexaad, ka afraadna haba sheegin. Laakiin waxay noqotay Raadiyaha iyo Muuqbaahiyaha, afarta hab adeegsigoodu waa iskaga mid barnaamishyada ay soo tebiyaan dhammaantoodba . Bal u fiirso mid ka mida oo barnaamishyadooda, oo ah ka caafimaadka, oo  dad badani aad u xiiseeyaan, uguna xidhan yihiin si taxane ah, gaar ahaan dadka waaweyn, oo xanuuno badan dareema ama la nool oo aan waliba waxba ka aqoon Afafka qalaad. Waxa dha- acda in adiga ay ku waydiiyaan erayada ay fahmi waayeen ee Afafka qalaadka ah. Waaba yaa- boo maba yaree! Adiga ayaa Af Soomaali ugu kala Af celinaya (Turjumaya) wariyaha barnaami- shka daadihinaya, oo Af Soomaali ku hadlaaya iyo isla bulshadii daawanaysay oo Af Soomaali-ga  yaqaana.Hadaba waxa inoo wanagsan oo xal aan u arkaa in Warbaahintu ay adeegsadaan labada hab ee hore, ee ka midka ah afarta hab ee aan kor kusoo sheegay, si aan uwada ilaash- ano Afkeena Soomaaliga ah iyo si bulshadeenu u wada fahamto barnaamishyada kala duwan.

W/Q: Deeqsi Asad Xamaal

Deeqsi100@gmail.com

Hargaysa, Soomaalilaan

 

COMMENTS