Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo cambaareeyay dalka Shiinaha isaga oo sheegay in usan waxba ka qaban sidii loo joojin lahaa barnaamijka gantaallada Kuuriyada Waqooyi.
July 30, 2017 - Written by

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku cambaareeyay dalka Shiinaha in uusan wax ku filan ka qaban sidii loo joojin lahaa barnaamijka gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmay maalin un kaddib markii xukuumadda Pyongyang ay tijaabisay gantaal kale oo ah nooca qaaradaha isaga tallaaba .

Madxaweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in uusan aqbali doonin in arrintan ay sii socoto.

KUURIYADA WAQOOYILahaanshaha sawirkaAFP
TV-ga Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigay sawirrada hoggaamiye Kim Jong-un oo u dabaal degaya tijaabada

Maalintii shalay ahayd, Shiinaha ayaa cambaareysay tijaabada gantaalkaasi, waxayna ku baaqday in Kuuriyada Waqooyi laga xayiro dhammaan dhinacyada. Balse madaxweyne Trump ayaa ka xumaaday jawaabta xukuumadda Beijing.

Sources Bbcsomali

COMMENTS