Qorshaha Wasarada Macdanta Iyo Tamarta Iyo Mustaqbalka Dalka.
September 10, 2016 - Written by

Hadaba anigoo ku hadlaaya magaca xafiiska dawlada Somaliland ee Somaliland Mission Australia. Waxaan runtii aan maanta qalinka u qaatay in aan ka hadlo

Anigoo ah Maxamed Ismaaciil Xussen (Balishire) Wakiilka guud ee dawlada Somaliland ee dalweynaha Australia. Waxa ugu horeyn aan halkan aan ka salaamayaa madaxweynaha jamhuuriyada Demuqraadiga ee Somaliland. Mudane, Ahmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo.” Waxa kale oo aan halkan aan ka salaamayaa shabakada wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com. Akhyaareey meel kasta iyo goob kasta oo aad joogtaanba waxaan idin leeyahay dhamaantiin Ciid wanaagsan.

Hadaba anigoo ku hadlaaya magaca xafiiska dawlada Somaliland ee Somaliland Mission Australia. Waxaan runtii aan maanta qalinka u qaatay in aan ka hadlo horumarka dahsoon ee dhawaan muuqan doona kana hana qaadi doona dalkan Somaliland, hadii Allaha awooda lihi raali ka

noqdo. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa wasiirka macdanta iyo tamarta ee Jamhuuriyada Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale.

The right honorable minister of Energy and Minerals, oo runtii ah shaqsi leh hiigsi iyo himilo dheer oo ah wasiir aad u culus dhanka aqoonta iyo waxqabadka, “Who is apparently an elite with courageous dedication, commitment, leadership style, and absolute determination towards prosperous Somaliland.” Waxa hadaba runtii farxad weyn ii ahayd in aan ka soo qayb galay furitaankii dhismaha cusub ee casriga ah ee wasaarada macdanta iyo tamarta ee jamhuuriyada Somaliland oo xaqiiqatan ah wasaarad aan hore dalka loogu arag si xaad dhaaf ahna loo habeeyey isla markaasna loo qalabeeyey sida wasaaradaha ku yaala caalamka kale ee shidan, sida, Australia, Europe and North America.

Waxa kale oo runtii farxad kale oo aad u weyn ah in wasiirka macdantu uu shaaca ka qaaday in dalkan Somaliland ay dib ugu soo laabanayso shirkada weyn ee caalamiga ah ee loo yaqaano Genel Energy si ay mar labaad hawl gal sahamin shidaal ay dalka dib uga bilaabi doonto dhawaan, hadii Alle idmo. Waxa kale oo iyaguna goobta xafladani ka dhacaysay ku sugnaa shirkado kale oo dhamaantood ka qayb qaadan doona sahaminta shiidalka iyo macdanaha kala duwan ee lagu tuhunsan yahay Somaliland.

Kuwaas ay ka mid tahay shirkada DNO oo laga leeyahay dalka Norway iyo qaar kale oo laga leeyahay dalka shiinaha (China). Waxa hadaba hubaal ah in dadaalkan xad dhaafka ah ee ka socda wasaarada macdanta iyo tamarta ee Somaliland in ay mustaqbalka dhaw ay horseedi karto in ay dalkeena ku soo dhiiradaan, in ay yimaadaan shirkadaha aduunka ugu waaweyn ee ku takhasusay baadhista dhanka macdanaha kala duwan ee aduunka, shirkadahaas oo ka hawl gala dhamaan shanta qaaradood ee aduunka, shirkadahaas oo loo yaqaano, BHP Billiton iyo Rio Tinto oo laga leeyahay dalka Australia, xarumahooga guudna ku yaalan magaalada Melbourne, ee dalweynaha Australia.

Hadaba waxa hubaal ah. In hadii aynu hagar la’aan aynu is garab taagno mucaarid iyo muxaafidba wasaarada macdanta iyo tamarta isla markaasna u fududayno hawlaha ay wado. Waxa xaqiiqatan hubaal ah… In dalkani dhawaan baahi bixi doono. In nolosha dalkan iyo dadkaniba ay is badeli doonto. In tahriibta aafeysay dhalinyaradeena ay joogsan doonto. In dhalinyarada iyo qof kasta oo awoodi karaba shaqo loo abuuri doono.

In la tayeyn doono waxbarashada dalkeena. In la nidaamin doono caafimaadka dalkeena. In mushaharka loo laban laabi doono ciidanka qaranka ee dalkan difaacaya iyo dhamaan shaqaalaha dawladeed dhamaantood. In dalkani yeelan doono dhaqaale buuran oo ku filan oo uu isku maareeyo dhankasta oo ay ahaataba. “I sincerely and profoundly hope that the entire Somaliland nation will seriously acknowledge and therefore make a brave and tangible consideration for the future potential oil and gas exploration opportunities of our nation. And yet again, bravely stands right behind this courageous, dedicated, committed, prominent and the magnificent presence of this elite and truly gifted Somaliland heavyweight minister. The right honorable Hussein Abdi Dualle. We wholeheartedly admire your courageous dedication and commitment. And I truly hope that sooner or later the people of Somaliland will seriously acknowledge and ultimately support and benefit from your successful mission. Although I profoundly believe the fact that the golden days of Somaliland’s fully prosperous and successful resource discovery ambitions are still ahead, as there is a constant and reliable untapped of potential oil and gas exploration opportunities in our country. Nonetheless, I have no doubt in my mind whatsoever that this minister will deliver what we all eagerly anticipating, and yet again, Somaliland will immensely and completely abandon this totally unforgiving and unbearable pain of poverty and unemployment tragedy that has unbelievably devastated and severely engulfed in our young nation’s heart, despite of all these unbearable obstacles which is still preventing us from reaching our destiny…

No matter what the situation might look like, we will get there…

Allah Mahad Leh.

Mohamed Ismail Hussein (Balishire)

Safiirka Somaliland ee dalka Australia.

Email: info@somalilandfoundation.com

 

COMMENTS