War Deg Deg ah;Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii ka Qaaday Hanti Dhawrihii Guud.
August 2, 2017 - Written by

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.” Ayaa Lagu Yidhi War Saxaafadeedkaas.

Xilka qaadista Hanti Dhawraha guud oo uu madaxweynuhu magacaabay maalmo uun ka dib markii uu xilka madaxweynenimo la wareegay muddo hadda laga joogo Todoba sano ayaa ku soo beegmaysa iyada oo lagu guddo jiro wakhti kala guur ah.

Lama garanayo sababta Wakhtigan loogu beegay xil ka qaadista Hanti dhawraha guud iyada oo maalmo uun ka hor ay ahayd markii uu madaxweynuhu farayay in ay u hawl galaan sidii loo suggi lahaa hantida qaranka.

laba mid uun bay noqon, in uu hanti dhawraha guud ka seexday ilaalinta hawshii uu qaranka ugu xilka saarnaa iyo in uu toosh afar dhagaxle ah ku Ifiyay mad-madawga musuqmaasuqa xukuumadda Kulmiye lagu eedeeyo.

COMMENTS