Dawlada Itoobiya Oo Xaaladdii Deg Dega ahayd Ee Uu Dalkaasi Ku Jiray ka Qaaday
August 4, 2017 - Written by

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee uu dalku ku jiray tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Xaaladda degdega ah ayaa looga gollahaa in wax lagaga qabto mudaaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday.

Muddada xaaladda degdegga ah ee markii hore la soo rogay ayaa ahayd lix bilood, balse afar bilood oo kale ayaa lagu kordhiyay.

Mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeeday ayaa dhacay gobollada Oromada iyo Amxaarada.

Labadaas qawmiyadood ayaa dalbanayay galaangal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dheeri ah, iyaga oo sheegay in la gacan bidixeeyay.

Waxyaabihii mamnuuca ahaa waxaa ka mid ahaa in gacmaha sidan la isu dhaafiyoLahaanshaha sawirkaREUTERS
  • Maraykanka oo u digay Itoobiya
  • Dhimashada dibadbaxyada Itoobiya
  • Itoobiya oo ciidamo geyneysa gobollada dalkeeda
  • Warshad Shamiitada sameyso oo lagu gubay Itoobiya

Waxyaabaha la mamnuucay intii xaaladda degdegga ah lagu jiray waxaa ka mid ahaa:

  • In baraha bulshada loo isticmaalo in lagula xiriiro waxa loogu yeeray “xoogagga dibadda”
  • In la abaabulo mudaaharaadyo “ay u badan yahay in ay horseedaan, carqalad, rabshado, nacayb ama aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka”
  • In la sameeyo astaamo siyaasadeed, sida in aad gacmaha isdhaafiso adigoo madaxa ka saremarinaya.
  • Sources;Bbcsomali

COMMENTS