Ururka Al Shabaab Oo Soo Bandhigay Gaadhi ay ka Qafaasheen Xisbiga Jubilee Deegaanka Mandhera.
August 5, 2017 - Written by

 

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari ay todobaadkii ka hor ka qafaasheen Mandhera, kaasoo ka mid ahaa gaadiidka ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee oo uu u tartamayo Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta.

Gaarigan ayaa ku lahaa calaamada Xisbiga Jubilee, waxaa ku sawirnaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Musharax Xisbiga Jubilee ee Mandhera Mohamed Ibraahim Mohamed.

Muuqaal kooban oo Al-Shabaab soo bandhigtay ayaa waxaa ka muuqda Gaariga oo socda dhul howd ah oo aan la sheegin, waxaa kaxeynayay oo saarnaa dagaalyahano hubeysan oo wajiga u xirnaa.

Dagaalyahano Kenyan ah ayaa oo ku hadlaya luqada Sawaaxilaga ayaa ka soo muuqday muuqaalkan, waxaa ay saarnaayeen dusha sare ee gaariga la soo bandhigay.

Gaadiidka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa lagu soo beegay, iyadoo maalmo un ay naga xigaan doorashada Madaxtinimada Kenya.

COMMENTS