Golaha Ammaanka oo cunaqabateyn cusub ku soo rogay Waqooyiga Kuuriya
August 6, 2017 - Written by

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay cunoqabateyn cusub oo la saaro Waqooyiga Kuuriya, kaddib markii dhowaan ay tijaabisay Gantaalo hor leh.

Cunaqabateyntan cusub ee lagu soo rogay Waqooyi Kuuriya ayaa waxaa uu ka mamnuucayaa wax dhoofinta iyo maalgashiga dalka, waxaana meel mariyay dhamaan xubnaha joogtada ee golaha ammaanka, iyadoo aanay jirin cid diidmada qayaxan ka hor-timid.

Waxyaabaha ay waqooyiga Kuuriya u dhoofiso dalka dibaddiisa ayaa isugu jira dhuxul dhagaxda iyo macdano kale, taasoo wixii hada ka dambeeya ka mamnuuc ah.

Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan ayaa cambaareeyay tijaabooyinka gantaalaha ee waqooyiga Kuuriya, taasoo sabab u aheyd qaraarka cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka uu soo saaray.

Gantaaladii ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya ayaa awoodi kara inuu gaari dalka Mareykanka, taasoo wal wal badan ay dhalisay.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowr jeer ka dhega fureysatay baaqyo caalami oo ku aadan walaaca laga qabo tijaabinta gantaalada Ballastic oo ay tiro dhowr jeer ay tijaabisay.

 

COMMENTS