Ururka Al-Shabaab oo toogatay mid ka mid ah Askartii Kenyanka ay ku qabteen dagaalkii Ceel Cadde 
August 6, 2017 - Written by

Al-Shabaab ayaa toogatay mid ka mid ah askartii Ciidamada Kenya ee lagu qabtay weerarkii ay sanad ka hor ku qaadeen deegaanka Ceel Cadde.

Muuqaal kooban oo soconaya 13 daqiiqo oo ay faafisay garabka warbaahineed ee Al-Shabaab oo lagu magacaabo Al-Kataa’ib ayaa soo bandhigay askariga oo gadaal uu ka taagan yahay nin wajiga u duuban yahay oo bastoolad wata.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa askariga Kenyanka ah waxaa uu marka hore fariin u dirayaa dowladda Kenya, eheladiisa iyo saaxibadiisa.

Intaas kaddib ayaa askariga waxaa gadaal ka tooganaya nin ku hubeysan bastoolad, waxaana marka uu dhulka ku dhaco uu la sii dhacayaa rasaas

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay jiraan askar kale oo Kenyan ah oo maxbuus ahaan ay u heystaan, kuwaasoo ku jira Xabsiyada ay maamulaan.
Toogashada Askariga Kenyanka ee ay dileen Al-Shabaab ayaa ku soo beegantay, iyadoo maalmo kooban ay naga xigaan doorashada Madaxtinimada dalka Kenya.

COMMENTS