Guddiga doorashada Kenya oo beeniyay in la jabsaday Computer-yadii cododka.
August 10, 2017 - Written by

Tirinta cododka doorashada Madaxtinimada Kenya ayaa wali socota, iyadoo Guddiga doorashada uu ku howlan yahay sidii uu u soo gaban gabeyn lahaa, looguna dhawaaqi lahaa natiijada kama dambeysta.

Guddiga doorashada Kenya Wafula Chibokati ayaa beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday Computer-ada cododka, iyagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ka soo yeeray Hoggaamiyaha Mucaaradka ahna Musharaxa Madaxweynaha Raila Odinga.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in natiijada horu dhaca aysan aheyn mida rasmiga ah.

Xarunta Bomas ayaa wali ka socota tirinta cododka, iyadoo la keenayo cododka laga soo qaadayo goobo kala duwna, waxaa lagu wadaa in la soo gudbiyo natiijooyinka illaa 1136 goobood.

Waxaa xarunta ku sugan asxaabta siyaasada iyo wakiilo matalaya musharaxiinta iyo goob joogayaal caalami ah oo la socda xaalada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in dib loo eegayo foomamka 34 A iyo 34 B, kaddib markii Hoggaamiyaha Mucaaradka uu ka cawday inay shaki ka qabaan in la musuq maasuqay, hase ahaatee waxaa la sheegaya in hadii la tiriyo xataa aanay natiijada waxba ka bedeli doonin.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry oo ka mid ah goob joogayaasha caalamiga ee kormeeraya doorashada ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasada inay dulqaad muujiyaan.

Madaxweynihii hore ee Ghana ayaa isna ku baaqay in degenaansho la muujiyo, waxaana uu ammaan u jeediyay sida ay wax u wadaan Guddiga doorashada.banayo foomamka.

Uhuru Kenyatta ayaa ku hoggaaminaya 54.5%, halka Mr Odinga uu heysto 44.6, waxaana natiijadan ay u dhow dahay in Uhuru Kenyatta markii labaad ku guuleysto doorashada Kenya.

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in boqolkiiba 91 Mr Kenyatta uu ku hogaminayo 54.5 boqolkiiba, halka Mr Odinga uu haysto boqolkiiba 44.6.

54.2

44.8

Sources;Jowhar

COMMENTS