Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Somaliland iyo Umadda Islaamka ah ba ugu Hambalyeeyey Xuska Munaasibadda Ciidal-Adxa.
September 11, 2016 - Written by
Madaxweyne Siilaanyo
Oo Shacabka Somaliland iyo Umadda Islaamka ah ba ugu Hambalyeeyey Xuska Munaasibadda Ciidal-Adxa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka Hambalyo u diray munaasibada Ciidal Adxa awgeed, waxaanu Madaxweynuhu yidhi “Milgo iyo Maamuus weyn ayey ii tahay in aan munaasibadda Ciidal Adxaha awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Si gaar ah, waxaan tahniyad ugu dirayaa Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Goleyaasha Qaranka, Culimo-aw-Diinka, Madax-dhaqameedka, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Bahda Waxbarashada, Bahda Garsoorka, Ururada Bulshada, Dhalinyarada iyo Haweenka laf-dhabarka u ah nabadda iyo nolosha dalkan.
Waxaan leeyahay Mudanayaal iyo Marwooyin, ku ciida ciid wanaagsan, nabad iyo caano ku ciida.
Kullu-caam wa antum bikhayr ), ciiddan ciiddeeda kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bed-qab, bash-bash iyo barwaaqo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Duco-qabayaal,
Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan.
Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.
Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.
Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.
Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.
Duco-qabayaal,
Waxaan bogaadinayaa Bulsho-weynta Somaliland ee jecel horumarka, nabadda, diinta, ilaalinta dhaqankeena suuban, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.
Nasiib darro, waxa jira in kooban oo bulshada ka mid ah in ay caadaysteen in ay maalmaha ciidda barakaysan ku kacaan ficillo iyo falal ka dhan ah diinteenna wanaagsan, anshaxa iyo akhlaaqda suuban.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Waalidiinta, Wax-garadka, Culimo-aw-Diinka Dalka, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda ee arrimahan u xilsaaran in ay si mug iyo micno leh u toosiyaan, ugana hortagaan dhaqammadaa dhexdeenna ku faafaya.
Aniga oo munaasibadan ciidda ka faa’iidaysanaya, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu ku dhex-martay deegaannada Dogoble iyo Darar-weyne, waxaan leeyahay;
“Walaalayaal gogosha ragu waa nabadda, nabadda idinkaa u baahan, ee iyadu idiinma baahna ee joojiya colaadda, dhiiga iyo dhagarta dhexdiinna”
Waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaa ciidammada qaranka ee ku hawlan dhex-dhexaadinta iyo nabad ilaalinta deegaannada Dharkayn-geeye, Dhummay, Daba-taag, Dogoble, Darar-weyne iyo Ceel-afweyn.
Mar labaad, waxaan ku guubaabinayaa inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan.
Waxaan farayaa in ay gacan adag oo aan naxariis lahayn ku qabtaan cid kasta oo khal-khal galinaysa amniga iyo xasilloonida deegannadaa.
Waxaan Bulshada Somaliland u caddaynayaa in aanay jirin cid laga baryayo deganaanshaha iyo nabadda dalkan. Waxaan si weyn ugu digayaa cid kasta oo ku hawlan falal ka dhan ah nabadgelyada.
Duco-qabayaal ,
Ugu danbayn, waxaan idinkula dardaarmayaa dhammaantiin:
· in aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeenna.
· in aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeenna.
· in aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.
· in aynu isu caqli-celinno, wanaagga is-farno, xumahana iska reebno.
· in aynu ka wada qayb-qaadanno horumarka iyo dib-u-dhiska dalkeenna hooyo.
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan”.
Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.
Aamiin,,, Aamiin,,, Aamiin…
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
COMMENTS
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka