Nin Toori ku hubeysan oo dad ku dilay magaalo ku taal dalka Finland
August 19, 2017 - Written by

Ugu yaraan labo ruux ayaa la dilay, lix kalena waa ka dhaawacay, kaddib markii nin ku hubeysnaa toorey uu dadkan ku weeraray magaalada Turku ee Koofur galbeed Finland.

Booliska ayaa daqiiqad gudahood goobta ku gaaray, iyagoo toogtay ninkii dadka tooreeyay, dabadeedna xiray.

Weerarkan ayaa durbaba lala xiriiray mid shalay ka dhacay magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasoo nin watay gaari uu dad ku jiirsiiyay, kadibna dilay illaa 13 ruux.

Masโ€™uuliyiinta Finland ayaa sheegay in dhacdadan aanay la xiriirin karin fal argagixiso, iyadoo ay socdaan baaritaano.

Inta badan magaalooyinka Yurub ayaa waxaa 13-kii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay weeraro mindiyo iyo baabuur loo adeegsaday, waxaana inta badan masโ€™uuliyada weerarkaas sheegtay Kooxda daacish.

Sources;Jowhar

COMMENTS