Booliska Dalka  Spain oo baadigoobo Ugu Jira ninkii ka dambeeyay weerarkii Barcelona.
August 19, 2017 - Written by

Booliska dalka Spain ayaa baadigoob xooggan ku yahay ninka looga shakisan yahay inuu ka dmabeeyay weerarkii Barcelona ee khamiistii la soo dhaafay.

Ninka la baadigoobayo ayaa lagu magacaabaa Yoonis Abuu Yacquub, kaasoo sawirkiisa ay baahiyeen Warbaahinta Spain.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya inay rumeysan yihiin in ninkan khamiistii la soo dhaafay dad fara badan ku jiirsiiyay baabuur meel aad saxmad u ah ee xaafada Las Ramblas ee magaalada Barcelona.

Weerarkan ayaa lagu dilay illaa 13 ruux, halka tiro badan ku dhaawacmeen, waxaana booliska ay toogteen shan ruux kale oo iyana gaari dad ku jiirsiiyay deegaanka Cambrils ee loo dalxiis tago.

Booliska ayaa markii hore magacaabay in weerarka Barcelona inuu qaaday wiil 18 jir lagu magacaabo Mousa Oukabir, hase ahaatee ninkan ayaa booliska ku toogteen deegaanka Cambrils.

Laamaha ammaanka ayaa hadda ku daba jira laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid ahaayeen kooxda weerarkaasi soo maleegtay.

Sources;Jowhar

COMMENTS