Dawlada Qatar Oo Ka Hadashay Go’aankii Sacuudigu Xuduuda Ugu Furay Xujeyda Dalkeeda.
August 19, 2017 - Written by

Labada dhinac, ayaa waxaa horaantii bishii June soo kala dhex gashay xiisad siyaasadeed, ka dib markii Sacuudiga uu

Dowladda Qatar, ayaa waxay si diiran u soo dhaweysay go’aankii ka soo yeeray Sacuudiga, ee ku aadanaa in uu xuduuda u furayo dadka reer Qatar, kuwooda doonaya inay gutaan Xajka.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowladda Qatar ay soo dhaweynayso hadalka cusub ee ka soo yeeray Sacuudiga.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in markii horeba ay Sacuudiga siyaasad ka gashay qorshihii uu horey ugu diiday xujeyda reer Qatar inay dalkaasi ku taggaan safarada dhulka.

Dowladda Sacuudiga, ayaa bishii June sheegtay in xujeyda reer Qatar ay Sacuudiga ku imaan karaan oo keliya safarda xagga cirka, ka dib markii ay xirtay xuduuda Salwa.

Qatar,
ayaa xuduuda keliya ee dal caalamka ku yaala ay la wadaagto waxay la leedahay dalka Sacuudiga.

Labada dhinac, ayaa waxaa horaantii bishii June soo kala dhex gashay xiisad siyaasadeed, ka dib markii Sacuudiga uu Dowladda Qatar ku eedeeyay inay argagixisada taageerto, walow ay Qatar beenisay.

Sources: universalsomalitv

 

COMMENTS