Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday inay duqeymo ka bilaabeyso keymaha Boni Ee ka tirsan ismaamulka goboleedka Lamu.
August 21, 2017 - Written by

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay duqeymo ka bilaabeyso keymaha Boni ee ka tirsan ismaamulka goboleedka Lamu, halkaasoo dagaalyahano ka tirsna Al-Shabaab ay saldhig u tahay.

Taliyaha Howl galka Kenya Boni Joseph Kanyiri ayaa ugu baaqay dadka Kenyanka ah ee ku sugan deegaanka keymaha Boni inay muddo 48 saacadood isaga baxaan.

Waxaa uu sheegay inay bilaabi doonaan bambooyin ay ku garaacayaan deegaanada keymaha ee Boni, waxaana howl galka la sheegay inuu qaadan doono maalmo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa isu diyaarinaya weerar cirka ah oo lagu qaadi doono keymaha Boni oo ah dhul howd ah, isla markaana istiraatiiji ah.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in keymaha Boni uu saldhig u yahay dagaalyahano aan Soomaali aheyn oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo ka soo jeeda dalka Kenya iyo dalalka bariga Afrika.

Weerarada ugu badan ee ka dhaca gobolka xeebta ah ee Kenya ayaa laga soo abaabulaa Keymaha Boni ee saldhiga u ah Guutada Jeyshul Ayman oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sources;Jowhar

COMMENTS