Qaban qaabada lagu soo dhoweynayo Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Magalada Muqdisho ka Socota.
September 13, 2016 - Written by

Qaban qaabad lagu soo dhoweynayo Madaxda Urur Goboleedka IGAD Oo Magalada Muqdisho ka Socota.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka socota qaban qaabadii u dambeysay ee soo dhoweynta Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kuwaasoo lagu wado inay maanta magaladaย  Muqdisho ku yeeshaan shir madaxeedkoodii u horeeyay tan iyo markii la aas aasay Ururkan.

Calamada 7 dal ee IGAD ayaa la suray garoonka diyaaradaha, sidoo kale roog cas ayaa loo fidiyay Madaxda, iyadoo kooxda Muusikada Baambeyda ay garaaci doonaan astaanta qaranka dalalkaas.

Koox qaabilsan hab maamuuska Madaxda iyo soo dhoweyntooda ayaa ku sugan garoonka, waxaana qaabka shirka u dhacayo iyo hab maamuuskiisaba ย gacanta ku heyso Madaxtooyada.

Madaxda IGAD ayaa kala soo hormari doona, iyadoo diyaarado gaar gaar ah la socda, sidoo kale waxaana madaxda qaarkood garoonka uga soo hormaray Ciidamo gaar ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu ku sii jeedo garoonka diyaaradaha, si uu ugu soo dhoweeyo Madaxda imaaneysa.

Shirkan ayaa noqonayaa shir madaxeedkii u horeeyay ee Soomaaliya ka dhaca muddo 30 sano ka badan, tan iyo sanadkii 1974 oo Muqdisho ka dhacay shir madaxeedkii Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay diyaar garow ugu jirtay shir madaxeedka IGAD, waxaana waddooyinka la suray boorka shirka.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, wadada aada garoonka ayaa la diiday isu socodka, dadka ayaa laga celinayaa meelo fog fog, sidoo kale qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa la diiday wax isu socodka dadka ah

COMMENTS