Madaxweynaha Uganda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho.
September 13, 2016 - Written by

Madaxweynaha Uganda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho.

Waxaa soo caga dhigatay diyaarad siday Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay, waxaana loo galbiyay hotelka uu ka dhacayo shirka IGAD.

Madaxweynaha Uganda ayaa noqonaya Madaxdii saddexaad oo ka socda Urur Goboleedka IGAD oo soo gaaraya Muqdisho.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo dhoweeyay goobta uu shirka ka dhacayo, waxaa lagu wadaa in goor dhow uu furmo shirka.

Madaxweynaha Kenya iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa goor sii horeysay yimid, halka diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti cilad soo wajahday darteed ay u soo degi weysay dibna ugu laabatay Jabuuti.

Madaxda hada ku sugan Muqdisho ayaa ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya, Uganda ayaana ah dalka ugu badan ciidanka ka socda Midowga Afrika.

Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban 7 dal ayaa waxaa imaan saddex dal, sida Madaxweynayaasha Sudan, Koofurta Sudan iyo Jabuuti oo diyaaradii siday cilad ku timid.

yoweri

COMMENTS