Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland oo xilkii ka qaaday Wasiir taageeray dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax.
September 13, 2017 - Written by

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.

Wareegto uu saaray Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Bashiir C/raxmaan, kaddib markii uu ku kacay Masโ€™uuliyad darro iyo hab dhaqan lid ku ah hanaanka dowladnimo.

Lama oga wareegtadan xil ka qaadista inay salka ku heyso hadal uu Wasiiru dowlaha siiyay Warbaahinta, kaasoo uu ku taageeray goโ€™aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore loo gacan geliyay Itoobiya.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada xil ka qaadista

COMMENTS