War Deg Deg ah; Diyaaradihii Qaadka ka Keeni jiray Dalka Kenya Oo Saaka Magalada Muqdisho ka Soo Degay.
September 14, 2016 - Written by

War Deg Deg ah; Diyaaradihii Qaadka ka Keeni jiray Dalka Kenya Oo Saaka Magalada Muqdisho ka Soo Degay.

muqdisho(GLN)_wararka ka imanayaa magalada muqdisho ee casimada somaliya ayaa sheegay in goor dhawayd  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray dalka Kenya, kadib markii muddo todobaad ah ay xukumada Soomaaliya joojisay.

Mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka magalada Muqdisho ayaa Warbahiinta u xaqiijiyay  illaa labo diyaaradood oo jawaano Qaad sida in ay soo caga dhigteen Gooranka Diyaaradaha magalada muqdisho.

xukumada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay dib u fasaxday qaadkii laga keeni jiray Kenya, kadib wada hadalo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo qaadkii Ganacsiga ee Kenya laga keeni jiray, kaasoo dhibaato iyo culeys dhaqaale ku keenay Ganacsatada qaadka ee Kenya, kadib markii ay mamnuucday xukumada Soomaaliya.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay In la joojiyo gabi ahaanba diyaaradaha Soomaaliya ka duulla ee sii marra Garoonka Magaaladda Wajeer, In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo visaha dal-kugalka Kenya iyo In Bangiyada Kenya ay maalgashadaan dalka Soomaaliya.

Dadka odorasa siyaasada ayaa aaminsan in faa’idada uu dhaliyay shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay magalada Muqdisho ay aheyd in dib loo qaaday xayiraadii Qaadka ee laga keeni jiray Kenya.

Sikasta ha ahaate xukumada somaliya ayaa xayiraadi ka Qaaday Qaadkii laga keeni jiray Dalka kenya ka dib markii madaxweynayaasha somaliya iyo kenya ay wada hadl gacansiga Qaadka ee somaliya loo dhoofiyo.

COMMENTS