Raysal Wasaaraha Xukumada Soomaaliya Oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Imaraadka Carabta.
September 23, 2017 - Written by

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Cabdullahi Bin Zaayid Al-Nahayaan.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray xiriirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha xiisada Khaliijka iyo go’aankii dowladda Soomaaliya ka qaadatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa war kooban uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay in xaaladda hadda taagan uu kala hadlay Wasiirka, ayna isla garteen labada dal inay kawada shaqeeyaan sidii xal looga heli lahaa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in goor dambe oo xilliga dalka Mareykanka uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa soo dhoweeyay Mowqifka Dowladda, waxana uu sheegay inay isku dayayaan arrimaha Khaliijka in wada hadal lagu dhameeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, si ay uga laabato mowqifkii ay ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyadoo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay bilaabeen inay ka soo horjeestaan go’aanka Xukuumadda.

COMMENTS