Aqoonyahanka, Ganacsatada Iyo Wax-Garadka Beelaha Akisho Ee UK Oo Cududooda
Taageero Ku Barbar Joogsaday Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI
London (GLN )- Ganacsatada, Aqoonyahanka, wax-garadka, Dhallinyarada iyo Haweenka beelaha
Akisho ee ku dhaqan Guud ahaan dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa go’aansaday in ay si rasmi
ah taageeradooda iyo Cududooda kula midoobaan kulana barbar-joogsaday Xisbiga Mucaaridka
ah ee WADDANI kadib in muddo ah oo ay indho-indhaynayeen xaaladda siyaasadeed ee
Somaliland wakhti dalka ay ku soo fool-leedahay doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la
filayo in ay horraanta Bisha dambe ee November ka qabsoonto geyiga somaliland.
Qaban qaabada xaflad ballaadhan oo beelaha Akisho ee qurbo-joogta ahi kula midoobayaan
cududooda taageerana ku biirinayaan xisbiga Muxaaridka ah ee WADDANI ayaa laga
dareemayaa guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalkaasi Boqortooyada Ingiriiska iyada oo
la qorsheeyey in xafladdaasi magaalada London ka qabsoonto 10-ka Bishan Oktoobar.
Aqoonyahan Maxamuud Aw Cabdi Aadan (Madaale) oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada iyo
Aqoonyahanka Qurbe-joogta Beelaha Akisho oo saxaafadda kula hadlay Magaalada London ee
Caasimadda UK ayaa sheegay in guud ahaan Ganacsatada iyo Aqoonyahanka Beeshu go’aan ku
gaadheen in ay taageeradooda siiyaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isaga oo ka war
bixiyey halka ay marayso qabanqaabada Hawsha xaflad ballaadhan oo beeshu cududooda ku
muujin doonto uguna biiri doonaan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI taasi oo si weyn uga
socota guud ahaanba Deegaamada Boqortooyada Ingiriiska.
Masuuliyiinta Xisbiga Muxaaridka ah ee WADDANI laamihiisa qaaradda Yurub ayaa si weyn u
soo dhaweeyey Go’aanka Beelaha Akisho ku qaateen in ay kaga mid noqdaan bah-wadaagta
guud ahaan shacabka reer Somaliland ee taageeradooda la garab joogsaday Xisbigaasi
Mucaaridka ah ee WADDANI wakhti dalku isku diyaarinayo doorashada madaxtooyada oo
dhawaan geyiga Somaliland looga dareeri doono.
Beelaha Akisho ee reer Somaliland waxa ay kaalin muuqata ku lahaayeen geeddi-socodkii
dhismaha qaranka Somaliland tan iyo markii Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay
iyada oo beeshu mar walba door muuqda ku lahayd kaalinta dhismaha qaranka iyo taabbo-
galintiisa ayaa waxa ay wakhtigan aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka beeshu rag iyo
haweenba si weyn uga dhex muuqdaan dadaallada horumarineed ee dalka iyo dadka, wakhtigana
ay beeshu go’aan ku gaadhay in ay dhisaan Xisbiga Muxaaridka ah ee WADDANI.
“Diyaar baannu u nahay in aannu dhisno Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Aqoonyahanka,
waxgaradka iyo ganacsatada beeslaha Akisho ee UK waxa ay Bishan 10-keeda xaflad balaadhan
ku muujin doonaan taageeradooda ay kula bahoobayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI
waxaanan ugu baaqayaa qurbe-joogya Beelaha Akisho in ay si weyn uga lib keenaan taageerada
Xisbiga ee Hiil iyo hooba leh” sidaa waxa yidhi Aqoonyahan Maxamuud Aw Cabdi Aadan
(Madaale) oo warbaahinta la hadlay.