Soomaaliya oo Markii Ugu Horeysay ku biirtay dalalka ku bahoobay joojinta Ka ganacsiga fool maroodiga.
September 15, 2016 - Written by

Xukumada Soomaaliya oo Markii Ugu Horeysay ku biirtay dalalka ku bahoobay joojinta Ka ganacsiga fool maroodiga.

Nairobi(GLN)_Xukumada Dalka Soomaaliya ayaa Markii Ugu Horeysay saxiixday barnaamij loogaga hortagayo ka gancsiga fool maroodiga ee qaarada Afrika iyadoo barnaamijkan lagu doonayo in lagu joojiyo ganacsiga fool maroodiga.

Wasiirka xanaanada xoolaha  Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ilaalinta deegaanka iyo xayawaanada duurjoogta ah ay saameyn ku yeesheen dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku biirno ururka EPI waxaana si tartiib tartiib ah aan dib ugu dhisi doonaa taariiqda aan ku lahayn dunida ee xayawaanada duurjoogta, iyadoo aan gacan ka geysan doonaa sidii loo joojin lahaa ugaarsiga maroodiga iyo ka ganacsiga fool maroodiga.”ayuu ka sheegay magaalada Nairobi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya.

War ka soo baxay kooxda xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ee la magac baxday “Jooji Foolmaroodiga” ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo xilli caan ku ahayd duurjoogta ay noqotay dalkii 14aad ee qaarada Afrika ee saxiixa barnaamijka EPI oo la bilaabay sanadkii 2014.

John Stephenson oo ka mid ah madaxda hay’ada Stop Ivory ayaa soo dhoweeyay ku biirista Soomaaliya ay kaga mid noqotay dowladaha doonaya in ay ka hortagaan dabargoynta maroodiga iyo ka ganacsiga fool maroodiga.

Dalka Soomaaliya ayaa kahor dagaaladii sokeeye waxa ay ka mid ahayd dalalka caanka ku ah xayawaanada duurjoogta, hase yeeshee dagaaladii sokeeye kadib ayaa la sheegay in xayawaanadii duurjoogta ay iyagana ka qaxeen dalka Soomaaliya amaana ka raadsaday dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa soo baxaysay dhowaan warar sheegaya in dib loogu arkay deegaano ka tirsan Jubooyinka maroodi badan oo dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya kadib markii ay yaraadeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Sida laga soo xigtey hay’adaha u ololeeya dhowrista deegaanka dalabka fool maroodi iyo tan wiyisha ayaa hoos u sii dhigaya maroodiga ku nool qaarada Afrika.

Sanadkii 1979kii ugu yaraan 1.2 malyan oo Maroodi ayaa qaarada Afrika ku noolaa halka sanadkii 2012kii ay ka soo hareen 500,000 oo kaliya.

Dadka ugaarsada maroodiga ayaa la sheegay in sanad walba ay ku dilaan qaarada Afrika maroodi tiradooda gaareyso 25,000 haddii ay sidaa ku sii socdaana waxaa la qiyaasayaa in toban sano kadib laga weyn doono qaarada Afrika Maroodi.

Ururka la magac baxay EPI ayaa waxaa aasaasay hogaamiyaasha dalalka Botswana, Chad, Ethiopia, Gabon iyo Tanzania kulan ka dhacay magaalada London February 2014. Hase yeeshee waxaa ku soo biirey ururkan wadamo ay ka mid yihiin Uganda, Kenya, Liberia, Malawi, Angola, Congo iyo Gambia.

COMMENTS