Dad Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Duleedka Magalada Kismaayo.
September 15, 2016 - Written by

Saddex Qof ayaa Ku Geeriyooday Qarax  Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Magalada Kismaayo.

Kismaayo(GLN)_Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saddex qof ay ku geeriyoodeen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Wirkooy oo 40km u jira magalada Kismaayo.

Sida ay sheegayaan Dad Goobjoogayaal ahi  miinada ayaa la kacday gaadhi siday khudaar oo kusii jeeday magaalada Kismaayo.

Gaadhigan ayaa ka yimid dhinaca deegaanada Gosha, waxaana dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay ahaayeen dad rayid ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Kooxda Al-Shabaab inay ka dambeeyeen qarax miino ee  la kacday gaadhiga Khudaarka siday.

Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la sheegay inuu markii hore ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Kooxda Al-Shabaab.

COMMENTS