Ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya Oo ka Baxay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan.
September 15, 2016 - Written by

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya Oo Saaka waabarigii  ka Baxay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Moqokori(GLN)_wararka Saaka ka imanayaa Degmada moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayaa in  Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl galka AMISOM iyo ciidamada dowladda soomaaliya  ayaa saaka waabarigii hore isaga baxay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo muddo sanad ka badan ay saldhig ku lahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ku waabariisteen gaadiidka gaashaaman oo ka sii baxaya magaalada, una jiheystay dhanka degmada Maxaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanka Moqokori, saacad kadib markii ay isaga baxeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan isaga baxay deegaanka Bud-bud ee gobolka Galgaduud oo u aheyd saldhig weyn.

Lama oga ujeedka ay uga baxeen, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay Ciidamada Itoobiya faaruqiyeen deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan.

 

COMMENTS