Daawo: Xisbiga Waddani Oo 30 Xafiis Ka Furtay Degmada Sabawanaag
October 22, 2017 - Written by maamule

Sabawanaag(GLN):- Weftiย  ay hogaaminaayeen qaar kamida Saraakiisha sare ee Xisbiga Waddani ayaa 30 xafiis oo cusub ka furay deegaanka Degmada Sabawanaag ,iyagoo isla markaasin tuulo tuulo u maray dhamaan deegaanada ay degmadani ka kooban tahay.


Saraakiisha Xisbiga Waddani ee Waftigan hogaaminaayey oo ay kamid ahaayeen ,Xildhibaan Maxamed Warsame Timacade ,Xaaji Cabdifataax Gamaameeye ,Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Waddani Eng.C/raxmaan Maxamed Magan (Eng Ficiis),Xil.Mustafe Shiraaqle ayaa waxa ay dhinaca kale dadweynaha deegaanka ka wacyigalinayeeni sidii ay uga digtoonaan lahaayeen kooxo deegaankan ku waajahan oo ku hawlan sidii ay kaadhadhkooda codaynta uga iibsan lahaayeen oo ay u gubi lahaayeen si aanay dadkani codkooda usiin Xisbiga Waddani.


Dhinaca kale waftigan ayaa intii ay maraayeen Degmada Sabwanaag waxa ay abaabul iyo wacyigalin mugle la yeesheen Dadweynaha Degmadan Sabawanaag.

ย Gacanlibaaxnews.com
News Desk

COMMENTS