Xisbiga WADDANI Oo Maanta Ololihiisa Ku Muujiyey Isu Soo Baxyo La Soo Agaasimay + Sawirro
October 23, 2017 - Written by maamule

Hargeysa (GLN):- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta gobolada Somaliland ka sameeyey ololeyaal la soo gingimay oo qayb ka ah tartanka doorashada madaxtinimada, isla markaana ay ku muujinayeen cududdooda iyo sida ay dadweynuhu u taageersan yihiin.

Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo ay horrayso caasimadda Hargeysa, ayaa saaka markii waagu beryey ba waxa waddooyinka iyo faraareyaasha isugu soo baxay dadweyne abaabulan oo loogu talogalay muujinta taageerada iyo cuddudda xisbiga WADDANI.

Waxaana dadweynaha faraareyaasha ka hadlay madaxda sare ee xisbiga oo ay ugu horreeyaan musharraxa madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo musharrax ku xigeenkiisa ambassador Maxamed, iyaga dadweynaha ku bogaadiyey sida hufan ee ay isugu soo baxeen ololaha u muujiyeen, isla markaana ku xoojiyey inay codkana inay sidaa isula garab taagaan maalinta doorashada si xisbiga WADDANI u guulaysto.

Halkan hoose ka daawada qaar ka mid ah sawirradii laga qaaday isu soo baxyadii dadka ee qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Hargeysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Burco.

 

 

Ceerigaabo.

Borama.

Laascaanood.

Gacanlibaaxnews.com

News desk

 

COMMENTS