DAAWO:-“Ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo boorama, se waxa aan tegi doonaa buuhoodle iyo Laascaanood.”.Murashax Cabdiraxmaan Aadan
September 15, 2016 - Written by

DAAWO:-“Ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo Boorama, se waxa aan tegi doonaa buuhoodle iyo Laascaanood.”.Murashax Cabdiraxmaan Aadan

 

“Anigu ma ihi madaxweyne ku xigeen ka socda gobalka awdal, se waxa aan ahay madaxweyne ku xigeen ka socda dhammaan goballada somaliland oo dhan. Waxa aan ballan-qaadayaa in ay dhammaan goballada oo dhammi ay ii sinnaadaan, ma noqonaayo madaxweyne ku xigeen marka wax-yar loogga baahdo loo diraayo boorama, se waxa aan tegi doonaa buuhoodle iyo Laascaanood.”.Ayuu yidhi Inj.Cabdiraxmaan Aadan.

“Waxa aan is lee yahay waxa aad tahay qofkii ugu habboonaa ee u sharaxan madaxweyne ku xigeenka waddani, saaxiibaddeyda ila tartamaaya na raali baan ka ahay, cid kasta oo xisbigan ka tirsanna xaq bay u lee dahay in ay isa soo sharaxdo, kama na xumaanayo. Aniga na murashaxnimaddeydu maaha mid aan anigu meesha soo dhigtey oo kaliya in aan guuleysanaayo, hase yeeshee umaddaasi haddii ay I doorato uun baan noqonayaa, se haddii aan la I dooran ama cidi qol madow ii riixato ma rabo.”. Cabdiraxmaan Aadan,

COMMENTS