|
Hargeysa: Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Doorashada Somaliland
October 27, 2017 - Written by maamule
Hargeysa(GLN):- Halkan ka daawada kana akhrista qodobbo ay soo saareen ururada u dooda xuquuqal insaanka ee ka hawlgala Somaliland, oo ka hadlay doorashada Somaliland 1. Dhamaan xisbiyada Somaliland inay dhawraan dastuurka, xeerarka dalka, goโaamada Gudida Doorashooyinka iyo Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada; 2. In si buuxda loo fuliyo goโaamadii Gudida Doorashadu soo saartay ee la xidhiidhay saacadaha olaha, anshaxa iyo bad qabka shacabka iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo waxyeelo u gaysan kara taageerayaasha asxaabta iyo shacabka kale ba 3. In madaxda xisbiyadu ay ka joojiyaan taageerayaashooda inay waxyeelo ama hagardaamo u gaystaan astaamaha, xafiisyada iyo calaamadaha xisbiyada kale; 4. In ay ololaha ka saaraan cunfiga, hadalada iyo wax kasta oo bulshada kala fogayn kara; 5. Difaacayaashu waxaay ugu baaqayaan laamaha kala duwan ee dawladda inay si siman oo caddaaladi ku jirto ula dhaqmaan sadexda xisbi; iyo in la fuliyo goโaamadii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, lana dhawro shuruucda dalka oo aan lagu ololayn hantida qaranka; 6. Waxaanu ku baaqaynaa in shaqaalaha dawladdu ay ka fogaadaan siyaasadda sida ku cad shuruucda dalka u taal; 7. In la fuliyo goโaamada Gudida Anshaxa Doorashooyinka; 8. Waxaanu ugu baaqaynaa laamaha amniga inay hubiyaan in xisbiyadu si madax banaan oo siman u qabsadaan ololaha iyo hawlohooda doorasho oo aan wax caqabad ah la hor dhigin; 9. Waxaanu warbaahinta ka codsanaynaa inay si buuxda u fuliyaan Xeerka Ansaxa Warbaahinta ee xiliga doorashada.”
Gacanlibaaxnews.com News Desk.
COMMENTS
|
|
||