Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar ka Mid ah Xukumaddiisa
October 28, 2017 - Written by maamule

Hargeysa (GLN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta sameeyey  isku bedel laba Guddoomiye-gobol, isla markaana magacaabay la-taliye cusub.
Sidanna waxa ka sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:​Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:​​Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday:​In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday:​Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:​In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan
In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )
In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )
Magacaabida La-taliye Madaxweyne
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:​Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:​In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;
Markuu Ka Fiirsaday:​Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:​In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.”

 

 

 

 

 

 

Gacanlibaaxnews.com

News Desk.

 

COMMENTS