Nurka Talooyin Ay Culimo Aw Diinku U Soo Jeediyeen Guddida Doorashooyinka Somaliland.
October 29, 2017 - Written by maamule

Hargeysa (GNL):- Guddi metelaysay culimo aw diinka Somaliland, ayaa talooyin nuxurkoodu yahay in wax laga beddelo qaabka ololaha xisbiyada ee doorashadu u socdo soo jeediyey guddida doorashooyinka Somaliland.

Kulan ay guddida culimada oo ka koobnayd 20 sheekh ay Hargeysa kula yeesheen komiishanka doorashooyinka ee Soomaaliland oo soconayey hal saac iyo dheeraad, ayay ugu soo bandhigeen talootinkaas.

Culimadu waxa ay halkaa ka jeediyeen kelmado waano iyo toosin ah, waxaana kulanka furay guddoomiyaha guddida doorashooyinka, ka dib waxa hadalka u qaybiyey culimada sheekh Ciise Maxmuud, isaga oo uuย Sheekh Xasan Maxamed Cumar Jaabir cod macaan oo qiiro leh ku akhriyey aayado suuradda Al anfaal ku jira oo runtii taabanayay mucda iyo nuxurka ay culimadu u socdeen, waa aayadaha: 23-28aad.

Marka laga yimaaddo soo jeedintii culimada oo Dr. Cabdiqabi Beder halkaa ka akhriyey, iyada oo lagu soo ururiyey qoraal ka koobnaa 4 bog , waxa hadallo muhiim ah oo xaaladda lagu jiro ee dalka taabanaya iyaguna madasha kulanka ka jeediyey:
1- Sh. Xasan Cabdisalaan Awcali
2- Sh Cabdiraxman Axmed Awcabdi
3- Sh. Ismaaciil Cabid Hurre- dheeg
4- Sh. Cabdirasaq Xuseen- Albaani
5- Sh. Muxamed Faarax (Food)
6. Sh. Daahir iyo culimo kale.

Culimadu dhammaantooda waxa ay culayska saareen in laga wada shaqeeyo sidii xaaladdan lagu jiro looga gudbi laha si nabadgelyo ah, waxkasta oo degnaanshaha, wadajirka bulshada, anshaxa suubban iyo dhaqaalaha dalka iyo dadka dhaawacayana meel looga soo wada jeesto oo wax laga qabto.
Culimadu waxa ay carrabka ku adkeeyeen in masuuliyadda ugu culus ee guddida saarani ay tahay ilaalinta caddaaladda.

Culimadu waxa ay soo bandhigeen qiimayn ballaadhan oo ay ku sameeyeen dhibaatada ololahani la yimi iyo sida wax looga qaban karo, iyaga oo tilmaamay in uu dhibaato baaxad leh u keenay:
1- Nabadgelyada bulshada
2- Dhaqaalaha
3- Anshaxa iyo akhlaaqda ummadda
4- Iyo weliba arrimo kale oo badan oo ay ka mid yihiin waxbarashada, goobaha caafimaadka iyo goobaha cibaadadu.
Ugu danbeyn culimadu waxa ay u soo jeediyeen Guddida doorashooyinka talooyinkan:

โ€œHadaba, mudanayaal, kadib qiimayta arrimahaas , waxa ay culimadu isla garteen in ay Komishanka Qaranka ee sharafta mudan u soo jeediyaan talooyinkan oo ku salaysan sida ay u arkaan in ay maslaxadda xisbiyada tartamaya , dalka iyo diintuba ku jirto.
1. In la soo gaabiyo ololaha qaabkan ah intaana lagu joojiyo, sidaana bulshada lagu wargeliyo xisbiyaduna ay aqbalaan, si loo yareeyo fasaadkan socda, loogana hortago dhibta ka iman karta.
2. Haddii aanay taasi suuraggal ahayn, waa in isu soobaxa lagu soo koobo marba gobolka uu joogo murashaxa maalintaa u leh goboladda kalena ay ka nastaan.
3. In xisbiyada lagu qanciyo in ay ololaha noocan ah ku beddelaan qaabab kale oo ay farriimahooda ku gaadhsiin karaan taageerayaashooda, sida inay garoommo loo asteeyey kula hadlaan taageerayaashooda maalmo loo xadidday.
4. Waa in gebi ahaanba la joojiyo gaadiidkan layska buuxinayo ee magaalada kolba dhinac u yaacaya.
5. Waa in laga joojiyo gawaadhidan mikrifoonaddu ku rakiban yihiin ee muusikada iyo heesuhu ka socdaan magaalada gebi ahaanba.

Arrimahan oo la tixgeliyaa waxa ay xoojinaysaa nabadgelyada bulshada, waxa ay badbaadinaysaa dhaqaale badan oo baahi loo qabo, waxa ay yareynaysaa isku dhaca iyo xamaasadda qabyaaladda, waxa kale oo ay ilaalinaysaa anshaxa wanaagsan iyo akhlaaqda toosan ee diintu ina farayso.

Mudanayaal annaga oo ku kalsoon in aad tixgelin doontaan soo jeedintan, waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aannu culimo ahaan diyaar u nahay in aannu iskiin garabtaagno, idinkuna taageerro xilka culus ee aad haysaan wakhtigan dhibta badan.

Ugu danbeyn naga guddooma salaanta Islaamka”

Guddida doorashooyinku waxa ay aad ugu farxeen la kulanka culimada oo aan ahayn markii koowaad, waxaanay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay talada culimada qaataan, hadalkoodana dhegaystaan mar walba.

 

 

 

 

 

 

 

Gacanlibaaxnews.com

News Desk.

 

COMMENTS