Maleeshiyadka Ururka Al-Shabaab Oo Galabta La Wareegay Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.
September 16, 2016 - Written by

Maleeshiyadka Ururka Al-Shabaab Oo Galabta La Wareegay Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo.

ceel

Ceelwaaq(GLN)_Wararka ka imanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Ceelwaaq kalana wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya  iyo kuwa AMISOM.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa ciidamo ku hubeysan gaadiidka tiknikada waxa ay ka soo weerareen afar jiho magaalada Ceelwaaq halkaas oo dagaal socday muddo nus saac ah uu ka dhacay.

Isgaarsiinta ayaa  laga jaray degmada Ceelwaaq hase yeeshee maqribnimadii caawa ayaa isgaarsiinta soo laabatay sida uu sheegey mid ka mid ah dadka degen magaalada Ceelwaaq.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadka hubeysan ee ka dhacay magaalada Ceelwaaq iyadoo hore ay u joogeen ciidamo Kenyan iyo Soomaali ah.

 

COMMENTS