Guddoomiyihii Kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Aw-dheegle oo la dilay.
September 16, 2016 - Written by

Guddoomiyihii Kooxda

Al-Shabaab u qaabilsanaa Deegaanka Aw-dheegle oo la dilay.al

Aw-Dheegle(GLN)_Taliska AMISOM ayaa sheegay in howl gal ay si wada jir u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka AMISOMย Jeo Kibet ayaa sheegay in howl gal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya ay ku dileen Maxamed Xasan oo ahaa Madaxii Al-Shabaab ee Aw-dheegle.

Waxaa uu sheegay in howl galka lagu soo furtay hub ay lahaayeen Al-Shabaab oo u taalay goob saldhig u aheyd.

Col Kibet oo la hadlayay wakaalada wararka ee SONNA ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaas kabadan, balse hoosta ka xarriiqay in howlgalkaasi uu dhamaaday sidii loogu talagay.

Howl gallo wada jir ahaa oo horay iska kaashadeen ciidamada milateriga ee kumaandooska iyo ciidamo Mareykan ah ayaa ka dhacay Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu dilay Saraakiil dhowr ah.

Sources;jowhar

COMMENTS