War Deg Deg ah;Xisbiga Waddani Oo Mar Kale Muraaqibiintiisii Kala Baxay Xarunta Guddida Doorashooyinka Somaliland.
November 19, 2017 - Written by

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in goโ€™aanka xisbiga Waddani uu kula baxay muraaqibiintiisa uu ka dhashay codsi ka yimid masuuliyiinta xisbigaas, kuwaas oo dalbaday in codadkii laga dhiibtay guud ahaan gobolada somaliland dib loogu tiriyo inta u dhaxaysa 20% ilaa 30%, taas oo guddida doorashaduna ku gacan saydhay.

wararka ayaa sheegaya in codsiga xisbiga Waddani uu yimid ka dib markii maanta la dhamays tiray tirinta codadka gobolka Maroodi jeexย  iyada oo guddida doorashaduna ay qorshaynayaan inay natiijada ku dhawaaqaan maalinta bari ah.

COMMENTS