Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyey Abu Dhabi
November 20, 2017 - Written by

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadanaysa muddo  labo cisho ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmaysa isagoo hore booqasho ugu tegey Boqortoyada Sacudi Carabiya,khilaafka siyaasadeed ee Bariga Dhexe ayaa saameyn ku yeeshay dowlada federalka iyo maamul goboleedyada dalka.

COMMENTS