Mareykanka Oo Duqeyn Cirka ah ku Diley Sarkaal ka Tirsan Ururka Daacish.
September 17, 2016 - Written by

Mareykanka Oo Duqeyn Cirka ah ku Diley Sarkaal  ka Tirsan Ururka Daacish.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah lagu dilay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda IS.

Hoggaamiyahan oo lagu magacaabi jiray Wa’il Adil Hasan Salman al-Fayad ayaa lagu dilay 7-dii bishan meel ku dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya.

Ninkan ayaa sidoo kale loo yaqaanay Dr. Wa’il, waxaana uu ahaa Wasiirka Warfaafinta IS, waxaa kaloo uu isku duba ridi jiray muuqaalada ay ku soo bandhigi jireen dilalka.

Waxaa kaloo ninkan la sheegay inuu xiriir dhow uu la lahaa Abuu Mohamed Al-Adnani oo bishii la soo dhaafay isna lagu dilay duqeyn cirka ah.

Mareykanka ayaa sheegay in dilalkan loo geystay hoggaamiyeyaasha sare ee IS ay sii wiiqi doonto howl galada ay kooxdan ka wadaan Ciraaq iyo Suuriya.

COMMENTS