War Deg Deg ah;Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani Oo Go’aan Cusub ka Soo Saaray Natiijada Doorashada
November 21, 2017 - Written by

Hargeysa(GLN)_Xisbiga Waddani ayaa Cawa Go,aan Cusub ka Soo Saaray Natiijada Doorashada Madaxtinimada Somaliland Ee Maanta Gudadi Komishanka Doorashooyinku ugu Dhawaaqeen Inu ku Gulaystay muuse biixi

Shir jaraa iid oo ay cawa si wada jir ah ugu Qabteen  Magalada Hargeysa masuuliyinta Xisbiga iyo Musharax cirro ayey ku sheegeen in u ka Tanaasulay Doorashadii isaga oo sheegay inu shacab u Tudhaayo

“Umaan Tanaasulin Muuse Biixi Umaan Tanaasulin Kulmiye waxaan u Tanaasulay Nabada iyo Wada jirka Umada Somaliland waxaan go,aan saday In aan Aqbalo Natiijada gacan ku samayska ah Ee la dhoob dhobay Sidii Madaxweyne Daahir Rayle u Yidhi somaliland Gacantayda ku Bur buri mayso anigu waxaan leeyahay Dalkayga Damacayga U Bur burimaayo”

 

 

COMMENTS